Soomaaliya oo u codeysay in ciidan caalami ah loo diro Marinka Qaza
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ansixiyay qaraar cusub oo oggolaanaya in ciidan caalami ah oo xasilin ah (International Stabilization Force) loo diro Marinka Qaza, si loo sugo amniga bini’aadantinimada, loona fududeeyo gargaar gelinta dadka ku go’doonsan gobolkaas.
Qaraarkan oo uu soo diyaariyey Maraykanka ayaa waxaa si cad u taageeray dalal badan oo Reer Galbeed ah, kuwaas oo ay ku jiraan UK, France, Denmark, Slovenia, Republic of Korea, United States, iyo sidoo kale Soomaaliya, taas oo markii ugu horreysay u codeysa qorshe noocan oo kale ah oo ku saabsan Falastiin.
Wadamada u codeeyay “HAA”:
Algeria
Denmark
France
Greece
Guyana
Pakistan
Panama
Republic of Korea
Sierra Leone
Slovenia
Somalia
United Kingdom
United States
Kuwa ka aamusay:
China
Russia
Qaraarka ayaa si toos ah u ansaxay maadaama aysan jirin awood veto oo la isticmaalay.
Maxay ka dhigan tahay codka Soomaaliya?
Soomaaliya oo muddo dheer taageero diblumaasiyadeed u muujin jirtay qadiyadda Falastiin ayaa tallaabadan lagu fasiray in ay isu dhowaan si siyaasadeed oo cusub la yeelanayso Maraykanka & Reer Galbeedka, gaar ahaan iyadoo uu socdo xiriir dib u soo cusboonaaday oo dhinaca ammaanka iyo dhaqaalaha ah.
Si kastaba ha ahaatee, taageerada qaraarkan ayaa dhaliil ka dhalisay qaar ka mid ah dadka u arka in ciidan shisheeye oo la geeyo Qaza uu noqonayo dhabar-jebin ku wajahan kooxaha iska-caabinta Falastiiniyiinta, kuwaas oo muddo dheer u taagnaa difaaca qadiyadda Falastiin.
Qaraarkan ayaa la filayaa inuu si buuxda u beddelo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Qaza, waxaana bilow u noqon kara howlgallo caalami ah oo cusub. Dowladda Soomaaliya weli faahfaahin rasmi ah kama bixin sababta ay u taageertay qaraarka, balse waxaa muuqata in ay la jaanqaadday go’aanka dalalka saameynta ku leh Golaha Ammaanka.