Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil toogasho ah oo lagu riday Cabdifitaax Cali Xasan, ka dib markii lagu helay dambiga ah inuu degmada Guriceel ku dilay AUN Deeq Cabdi Jaamac, oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada.
AUN Deeq Cabdi Jaamac ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo ganacsi shaqsiyadeed lahaa, isla markaana bulshada Guriceel kaga jiray sumcad iyo ixtiraam.
Dilkiisa ayaa bulshada gilgiley, waxaana mudaharaadyo kooban iyo hadallo cambaareyn ah laga soo jeediyay magaalada maalmo ka dib dhacdada.




From the comments