Ciidamo Kenyan ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay Garissa
Labo ka tirsan ciidamada Border Patrol Unit ee Kenya ayaa maanta ku dhintay qarax miino oo ka dhacay waddada Liboi–Kulan ee gobolka Garissa, meel u dhow xadka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa dhacay xilli gaari ay wateen uu dulmaray bambada dhulka lagu aasay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska ee gobolka.
Warbixin ay bixiyeen saraakiisha amniga ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay si qorsheysan u gelisay miinada jidka, ka dibna ay qarxiyeen markii ay ogaadeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka ciidamada.
Gaariga oo gabi ahaan burburay ayaa sawirradiisu muujinayaan biraha oo rogmaday, qaybo kala go’ay iyo god weyn oo qaraxa ka dhashay, halka ciidamada amniga ay goobta ka wadeen baaritaanno degdeg ah.
Gobollada Garissa, Mandera iyo Wajir, oo dhamaantood xuduud la leh Soomaaliya, ayaa weli ka mid ah meelaha ugu nugul weerarrada Al-Shabaab, iyadoo weerarradan ay inta badan bartilmaameedsadaan ciidamada ilaalinta xadka iyo saldhigyada fog-fog.
Kenya ayaa tan iyo sanadkii 2011 la kulmeysay weerarro joogto ah, ka dib markii ciidankeeda ay u dirtay gudaha Soomaaliya qeyb ka noqoshada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS (hore AMISOM).
Inkasta oo dowladda Kenya ay kordhisay kormeerka xuduudaha, roondeynta joogtada ah, iyo adeegsiga qalabka ilaalinta ee casriga ah, haddana weerarrada miinooyinka lagu aaso waddooyinka (IEDs) ayaa weli khatar culus ku haya ciidamada, waxaana tobannaan askari ku dhintay weerarro la mid ah tan maanta ka dhacday Garissa.
Mas’uuliyiinta amniga ee Kenya waxay sheegeen in Al-Shabaab ay weli isku dayayso inay carqaladeyso howlaha ilaalinta xuduudaha, iyagoo adeegsanaya weerarro kadis ah, qaraxyo iyo dhabbagal lagu beegsado gaadiidka ciidamada.