Dood ka dhalatay gabar wariye ah oo uu Trump ku tilmaamay Doofaar
Hadal hayn xooggan ayaa ka dhalatay gabar wariye ah oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku tilmaamay Doofaar.
Aqalka Cad ayaa si xooggan u difaacay Madaxweynaha, kadib markii muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada uu muujinayo Trump oo haweeney wariye ah ugu yeeraya “doofaar”, xilli ay su’aal ka weydiisay kiiskii la xiriiray dambiilaha galmada lagu helay ee geeriyooday, Jeffrey Epstein.
Dhacdadan ayaa ka dhacday todobaadkii hore garoon diyaaradeed, iyadoo Trump uu diyaaraddiisa Air Force One madaxa kala soo baxay, kadibna isaga oo farta ku fiiqaya weriyaha uu ku yiri: “Aamus, doofaaryahey.”
Hadalkaas oo degdeg u qabsaday baraha bulshada ayaa sababay dood xooggan oo ku saabsan hab-dhaqanka madaxweynaha iyo xiriirka uu la leeyahay warbaahinta.
Karoline Leavitt, Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, ayaa Khamiistii su’aalo laga weydiiyay dhacdadan, waxayna sheegtay in hadalka Trump uu ka tarjumayo daacadnimada iyo furfurnaanta uu ku leeyahay jawaabaha su’aalaha, iyadoo intaas ku dartay in codbixiyayaasha Maraykanku ay dib u doorteen madaxweynaha sababta oo ah wuu run-sheegaa, mana leexleexo”.
Muuqaalka muujinaya weriyaha oo su’aal weydiinaysa Trump iyo jawaabtiisa adag ayaa si xawli leh ugu faafay baraha bulshada, taasoo dhalisay falcelin baahsan, iyadoo dadka qaar dhaleeceeyay hadalka madaxweynaha halka kuwa kalena ay u arkeen muujinta dabeecaddiisa dhabta ah.
Dhacdadan ayaa qayb ka noqotay xiisadda weli ka dhex aloosan Trump iyo warbaahinta, kuwaas oo muddo dheer ku muransanaa su’aalaha adag iyo hadallada kulul ee madaxweynaha.