Trump oo laalay shuruucda ka ilaalin jirtay tarxiilka Soomaalida Minnesota
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyey go’aan culus oo uu ku laalay dhammaan shuruucdii ilaalinaysay in aan la tarxiilin Soomaalida soogalootiga ah ee ku nool gobolka Minnesota.
Tallaabadan cusub ayaa dhalisay cabsi, gilgil iyo walaac xooggan oo ku saabsan mustaqbalka kumannaan qoys Soomaaliyeed.
Trump,ayaa ku eedeeyay in “kooxo Soomaali ah ay argagax ka wadaan Minnesota,” isaga oo sheegay in “bilyan-dollar ay maqan yihiin,” isla markaana ku daray hadal kulul:
“Dib ugu celiya halkii ay ka yimaadeen.”
Saamaynta Go’aanka
Tani waa tallaabad ugu adkayd ee uu madaxweyne Mareykan ahi ka qaado bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka kunool Minnesota oo ah meesha ay ugu badan yihiin Soomaalida dalkaas. Laalista shuruucdaasi waxay sare u qaadaysaa khatarta ay wajahayaan dadka:
Qaar ka mid ah waxay halis ugu jiraan tarxiil degdeg ah
Qoysas badan ayaa laga yaabaa in la kala geeyo
Arday, shaqaale iyo ganacsato Soomaaliyeed ayaa wajihi kara cadaadis sharci iyo mid bulsho
Cabsi iyo walbahaar cusub ayaa soo foodsaaray bulshada Soomaaliyeed ee gobolka
Falcelinta & Walaaca Bulshada
Hoggaamiyeyaasha iyo ururrada bulshada Soomaaliyeed ayaa bilaabay kulamo degdeg ah oo looga tashanayo:
Sida loo difaaco dadka halista ku jira
Sida loo diyaariyo qareenno iyo gargaar sharci
Iyo sidii uu deegaanka Minnesota uga bixi lahaa hadallada naceybka sida weyn u saameynaya
Dadka Soomaaliyeed ee deegaanka ku nool ayaa sheegay in hadalka Trump uu jabinayo kalsoonidii ay ku qabeen in ay si nabad ah ugu noolaadaan dalkaas.