Maxkamadda Darajada 1-aad ee Degmada Gaalkacyo ayaa maanta soo saartay xukun culus oo la xiriira kiiskii dilka Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdille Wees, kaasi oo si weyn looga hadal hayay gobolka Mudug.
Hodan Maxamuud Diiriye – Dil toogasho
Maxkamaddu waxay ku ridday xukun dil ah (toogasho) eedeysanaha koowaad Hodan Maxamuud Diiriye, 34 sano jir ah, oo lagu helay inay si toos ah uga dambeysay dilka Marxuumad Saabiriin. Garsooreyaasha ayaa sheegay in caddeymaha la horgeeyay ay si buuxda u muujinayaan masuuliyadeeda.
Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas – Hal sano xarig & ganaax
Eedeysanaha labaad Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas, 65 sano jir, ayaa lagu waayay inuu qayb ka ahaa falka dilka. Si kastaba, maxkamaddu waxay ku xukuntay:
• 1 sano oo xarig ah
• Ganaax lacageed oo gaaraya 500 dollar




From the comments