Goobjoog

War Degdeg ah: Xoogagga Taageerada Degdegga ah ee Sudan oo Ku Dhawaaqay Xabbad-Joojin Bini’aadantinimo oo Saddex Bilood ah

Xoogagga Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Sudan ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo socon doonta saddex bilood, taas oo timid maalmo kadib markii taliyaha Ciidamada Dowladda Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, uu diiday hindise caalami ah oo xabbad-joojin cusub ah.

War Degdeg ah: Xoogagga Taageerada Degdegga ah ee Sudan oo Ku Dhawaaqay Xabbad-Joojin Bini’aadantinimo oo Saddex Bilood ah
General Mohamed Hamdan Daglo “Hemeti”, Sudan’s deputy head of the Transitional Military Council, looks on as he attends the signing of the constitutional declaration with protest leaders, at a ceremony attended by African Union and Ethiopian mediators in the capital Khartoum on August 4, 2019. – Sudan’s army rulers and protest leaders on August 4 inked a hard-won constitutional declaration, paving the way for a promised transition to civilian rule. The agreement, signed during a ceremony witnessed by AFP, builds on a landmark power-sharing deal signed on July 17 and provides for a joint civilian-military ruling body to oversee the formation of a transitional civilian government and parliament to govern for a three-year transition period. (Photo by ASHRAF SHAZLY / AFP)

Xoogagga Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Sudan ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo socon doonta saddex bilood, taas oo timid maalmo kadib markii taliyaha Ciidamada Dowladda Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, uu diiday hindise caalami ah oo xabbad-joojin cusub ah.

Taliyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo “Hemedti”, ayaa muuqaal uu baahiyay ku sheegay in go’aankani uu ka yimid mas’uuliyad qaran iyo jawaab celin lagu taageerayo dadaallada caalamiga ah, gaar ahaan hindisaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dedaallada dalalka “afarta ah”.

Hemedti wuxuu tilmaamay in xabbad-joojin bini’aadantinimo ay ka mid yihiin:

Joojinta colaadaha muddo saddex bilood ah

Difaaca dadka rayidka ah ee ku go’doonsan dagaalka

Fududeynta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee goobaha ay dagaalladu saameeyeen

Hubinta in shaqaalaha gargaarka ay si hagar-la’aan ah u shaqeyn karaan

Ilaalinta xarumaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah

Awood siinta kooxaha caafimaadka inay waajibaadkooda gutaan

Wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay tahay jawaab loogu talagalay “dadaal caalami ah oo loogu adeegayo dadka Sudan”, isla markaana ay muhiim tahay in la abuuro hannaan kormeer oo caalami ah si loo xaqiijiyo in xabbad-joojintu dhaqan gasho.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments