U bood dhigaalka

Itoobiya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay helitaanka Badda Cas iyo xasilloonida Geeska Afrika

Sheeko:War

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo saraakiil sare oo millateri ayaa Talaadadii magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay General Dagvin R.M. Anderson oo ka tirsan Taliska AFRICOM ee Maraykanka, iyagoo diiradda saaray qorshaha Itoobiya ee raadinta marin badeed iyo iskaashiga amniga gobolka.

Abiy Ahmed oo qoraal kooban ku faafiyay baraha bulshada ayaa sheegay inuu “soo dhoweeyay General Anderson” isla markaana ay yeesheen “wadahadal wax ku ool ah oo ku saabsan amniga gobolka iyo fursadaha iskaashi ee mustaqbalka.” Wuxuu sheegay in faahfaahinta laga bixin doono goor dambe.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Itoobiya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in General Anderson uu la kulmay Field Marshal Birhanu Jula, Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya, waxaana lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xasiloonida Geeska Afrika iyo mustaqbalka xiriirka militari ee Itoobiya iyo Maraykanka.

Field Marshal Birhanu ayaa u sheegay wafdiga Maraykanka in “rabitaanka Itoobiya ee marin badeed uu yahay mid nabadeed oo ku wajahan kobcinta dhaqaalaha,” isagoo xusay in Addis Ababa ay doorbidayso inay danaha badda ku raadiso wada-hadal iyo iskaashi halkii ay ka abuuri lahayd xiisad.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in General Anderson uu muujiyay taageero uu u hayo dadaallada Itoobiya ee ku saabsan helitaanka badda “si nabad ah,” isagoo tilmaamay in haddii Itoobiya hesho marin toos ah oo Badda Cas ah ay “door weyn ka qaadan karto xasilloonida gobolka.”

Sidoo kale, General Anderson ayaa la sheegay inuu ballan qaaday inuu arrimahaas kala hadli doono mas’uuliyiinta Washington, gaar ahaan qorshayaasha Itoobiya u dejisay sidii loo xoojin lahaa nabadda Geeska Afrika.

Kulanka ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka hawlgala gobolka, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen in la kordhiyo wada shaqaynta la dagaallanka argagixisada.