U bood dhigaalka

Turkiga oo Xirey Mas’uuliyiin lagu eedeeyay Basaasnimo

Dowladda Turkiga ayaa xiray saddex sarkaal oo ka tirsan shirkadaha difaaca, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay u basaasayeen dalal shisheeye, sida ay ku warantay xeer-ilaalinta magaalada Istanbul.

Bayaan kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha Istanbul oo la sii daayey Talaadadii ayaa lagu sheegay in hawlgal amni oo la fuliyey 25-ka November 2025 lagu bartilmaameedsaday afar qof oo lala xiriiriyay qorshe basaasnimo.

“Hawlgal ayaa la sameeyay si loo qabto afar qof oo lagu ogaaday xiriirka ay la leeyihiin falkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xeer-ilaalintu waxay sheegtay in saddex eedeysane la qabtay, halka hal qof oo kale ay maxkamaddu u jarto amar qabasho, maadaama uu dalka dibaddiisa ku maqan yahay.

Mas’uuliyiinta la xiray ayaa la sheegay inay ka howl-galaan shirkado difaac oo muhiim u ah Turkiga, iyagoo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay dalal shisheeye u gudbiyaan macluumaad ku saabsan taariikhda shaqsiyadeed ee shaqaalaha qaar.

xeer-ilaalintu markii hore waxay bayaankeeda ku sheegtay in eedeysanayaasha ay la shaqeynayeen sirdoonka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), balse qoraalkaas oo la tirtiro ayaa lagu beddelay nuqul cusub oo aan magac-dalkaas lagu xusin.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo Turkigu uu si weyn u ballaarinayo warshadaha difaaca, MadaxweyneRecep Tayyip Erdogan, ayaana dhawaan shaaciyay in dhoofinta hubka iyo qalabka difaaca Turkigu ay korortay 29% sanadkii 2024, taas oo gaartay $7.15 bilyan.