Trump oo cambaareeyay toogashada labo Askari oo ka tirsanaa ilaalada qaranka Mareykanka
Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in laba askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka Mareykanka (National Guard) la toogtay, iyadoo warbixin uu soo dhigay madaxweynaha Donald J. Trump uu ku sheegay in labada askari ay yihiin kuwo si daran u dhaawacmay, laguna dabiibayo laba isbitaal oo kala duwan.
Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa ku tilmaamay qofka falka geystay “xayawaan,” isaga oo carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo mas’uul ka ah weerarkan ay “bixin doonaan qiime aad u culus.” Waxa uu sidoo kale ammaanay Ciidanka Ilaalada Qaranka, ciidamada milatariga iyo fulinta sharciga, isagoo ku tilmaamay “dad aad u qiimo badan oo Qaranka u adeegaya.”
Inkasta oo faahfaahinta rasmiga ah ee weerarka aan weli si buuxda loo shaacin, hadalka Trump ayaa muujinaya culayska iyo welwelka maamulka Mareykanka ka qabo weerarrada ka dhanka ah ciidamada gudaha dalka.
Waxaa la filayaa in hay’adaha amniga ay baadhitaan xooggan ku sameeyaan cidda ka dambeysa toogashada iyo sababaha ka danbeeya.
Trump ayaa farriintiisa ku soo gabagabeeyay isagoo la hadlayo qoysaska askarta dhaawacan iyo dhammaan ciidamada Qaranka, wuxuuna sheegay: “Aniga oo ah Madaxweynaha Mareykanka, anigoo matalaya dhammaan dadka ka shaqeeya Xafiiska Madaxtooyada, waxaan idinla joogaa.”