Eritrea oo si adag uga Jawaabtay Sheegashadii Itoobiya ee aheyd in Taliyaha AFRICOM uu taageeray damaca Addis Ababa ee ku wajahan Badda Cas.
Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay ka been sheegtay Safarkii Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen Anderson uu ku tagey Addis Ababa iyo kulamadii uu la qaatay Ra’iisul wasaarebAbiye Axmed iyo Taliyaha Milatariga ee dalka Itoobiya.
Addis ababa Waxay Warbixin ay ka soo saartay kulamada labada dhinac ay ku sheegtay in Taliyuhu uu taageeray damaca Itoobiya ay ku rabto in ay ku goosato qeyb ka mid ah biyaha Badda Cas , kaas oo xiisad adag ka abuuray Bariga Afrika.
Eritrea oo ka mid ah dalalka ay Itoobiya rabto in ay badda ka hesho ayaa beenisay sheegay Addis Ababa, waxaana ay ku tilmaantay Marin habaabin iyo abuurista wax loo ekeysiinayo taageero oo Mareykanku uu siinayo gar-darada Itoobiya.
Qoraal Wasiir Warfaafinta dalka Eritrea uu ku soo daabacay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter ayuu ku sheegay booqashada Taliyaha Africom ay Itoobiya u adeegsatay dano kale.
“ Booqashada Caadiga ah ee Taliyaha Africom uu ku tagay Addis Ababa ma xoojineyso damaca gardarada ah ee Itoobiya iyo duulaamadeeda badda Cas” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Eritrea.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya Iyada oo Wasaaradda Difaaca Itoobiya ay sheegtay in Gen Anderson uu kala hadlay Taliyah Milatariga Itoobiya Birhanu Jula arimo ku aadan Amniga gobolka, Qorshah Itoobiya ee Badda CAs iyo xoojinayo xasiloonida bariga Afrika.
Sidoo kale Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Itoobiya waxay daabacday in Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee Africom uu yiri intii kulanku uu socday
“Waxaan taageersanahay dadaallada Itoobiya ee ay si nabad ah ugu doonayso inay ku hesho deked.”
Si kastaba Itoobiya ayaa taageero xooggan u raadineysa damaceeda ay rabto in ay ku gaarto badda Cas, kuna hesho Dekado, Saldhig ciidamadeeda badda iyo Marino toos ah oo Addis ababa ay maamusho.
Hadda Xukuumadda Abiye Axmed waxaa dadaal xoogan ay galineysa dhanka Eritrea kadib Fashikeedii Soomaaliya, waxaana Abiye Axmed iyo Taliyaasha sare ee Ciidamadiisu ay sheegeen in ay dib u soo ceshan doonaan dekadda Asab ee dalka Eritrea oo horey ay itoobiya u laheed inta aysan kala go’in Asmara.