ka badan 300 oo ku geeriyooday daad ku dhuftay dalka Indonesia
In ka badan 300 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen daadad ba’an oo ku dhuftay Indonesia, kadib roobab xoogan oo oo socday maalmo xiriir ah iyo duufaanno.
Roobabkan culus ayaa sababay in magaalooyin iyo tuulooyin dhammadood ay hoos u galaan biyaha, iyadoo dad badan ay ka barakaceen guryahooda.
Gobollo badan oo dalka ka mid ah ayaa wajahaya xaalad bani’aadannimo oo ka sii daraysa, iyadoo buundooyin burburay, wadooyin go’ay, iyo adeegyada degdegga ah oo si adag ku shaqaynaya ay caqabad ku noqdeen gurmadka.
Ciidamada samatabbixinta iyo kooxaha mutadawaciinta ah ayaa weli baadi-goob ka wada deegaannada ay biyuhu go’doomiyeen, iyagoo sheegay in tirada dhimashadu ay sare u kici karto maadaama dad badan weli la la’yahay.
Roobabka monsoon-ka oo sanadkan gaaray heer ka sarreeya intii caadiga ahayd, iyo duufaanta kulaylaha ee ku soo dhowaaday xeebaha Indonesia, ayaa sababay in daadad xooggan ay ku dhufteen gobollo caadiyan u nugul fatahaadda.
Dowladda Indonesia ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, waxayna ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah in ay gacan ka geystaan gurmadka, gaar ahaan sahayda cunada, hoyga kumeel-gaarka ah iyo adeegyada caafimaadka.