Madaxweynihii la afgambiyay ee Guinea-Bissau oo gaaray dalka Senegal
Madaxweynihii la afgambiyay ee Guinea-Bissau, Umaro Sissoco Embaló, ayaa gaaray dalka Senegal, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Senegal.
Safarkiisa ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamo ka tirsan milatariga Guinea-Bissau ay si xoog ah u la wareegeen awoodda dalka, xilli la sugayay in la shaaciyo natiijooyinka doorashadii madaxtinimo ee dhowaan ka dhacday dalkaas.
Bayaan ay Senegal soo saartay habeenimadii Khamiista ayaa lagu sheegay in Embaló uu ku yimid diyaarad khaas ah oo ay kiraysatay dowladda Senegal, kadib markii ay la xiriirtay dhinacyada awoodda haya ee Bissau si loo fududeeyo sii deyntiisa.
Senegal waxay ku adkaysay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso ururrada gobolka sida ECOWAS iyo Midowga Afrika, si loo taageero wada-hadal siyaasadeed, xasillooni, iyo dib-u-soo-celinta nidaamka dastuuriga ah ee dalkaas.
Afgambiga ayaa dhacay Arbacadii, markaas oo saraakiil milatari oo isku magacaabay ” Guddiga sare ee soo celinta kala dambeynta” ay telefishinka ka hor akhriyeen bayaan ay ku shaaciyeen inay la wareegeen taladii dalka.
Tallaabadani waxay timid iyadoo Embaló iyo musharraxa kale ee Fernando Dias, ay labaduba hore u ku dhawaaqeen guul ay doorashada ka gaareen ka hor natiijooyinka rasmiga ah, taas oo abuurtay jahawareer iyo muran siyaasadeed oo xooggan.
Doodda ka dhalatay doorashada waxaa sii huriyay go’aankii lagu mamnuucay xisbiga mucaaradka ah ee PAIGC inuu soo bandhigo musharrax madaxweyne. Go’aankaasi oo sababay dhaleeceyn xoog leh oo kaga timid bulshada rayidka ah iyo kooxaha kormeera doorashooyinka, kuwaas oo ku tilmaamay doorashada mid aan sharciyad buuxda lahayn.
Ciidamada afgambiga sameeyay waxay isla markiiba hakiyeen geeddi-socodkii doorashada, waxayna xireen dhammaan xuduudaha dalka, iyaga oo ku dhawaaqay bandow habeenkii ah si ay u xakameeyaan xaaladda gudaha.
Maalintii Khamiista, General Horta Inta-A ayaa loo dhaariyay madaxweynaha ku-meelgaarka ah ee dalka, isaga oo ku dooday in ay jireen caddeymo ku filan oo milatariga ku qasbay inay qaadaan talaabadan, hase yeeshee, tallaabada militariga ayaa dhalisay cambaareyn caalami ah, iyadoo beesha gobolka iyo tan caalamkuba ka walaacsan yihiin xasiloonida dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa si adag u cambaareeyay afgambiga, wuxuuna ku baaqay in Embaló iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale ee la xiray si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo, asagoo sidoo kale ugu baaqay dhamaan dhinacyada inay muujiyaan xakameyn iyo deganaan, si looga hortago xaalad sii u sii xumaata.
Guinea-Bissau oo soo martay afgambiyo badan tan iyo madaxbannaanideedii 1974 mar kale ayaa wajahaysa qalalaaso siyaasadeed, halka beesha caalamku ay isku dayayaan sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamka dimuqraadiyadeed iyo xasilloonida dalkani.