Dowladda Itoobiya ayaa gaadiidkeeda biyaha ku billowday casriyayn, ayadoo doomo cusubi ay billaabeen inay u kala safraan magaalooyinka dalkaas, ayadoo la adeegsanayo Harada Tana.
Warbaahinta dalkaas ayaa si weyn u buun buuninaysa doon lagu magacaabo Tana Nesh 2 oo saacado ka hor qaaday rakaabkii ugu horreeyey ee u kala safraya magaalooyinka Bahirdar iyo Delgi.
Rakaabka isticmaallay doonta ayaa sheegay in adeeggani uu yahay mid dhakhso badan, raaxo leh oo ammaan ah, iyagoo ku tilmaamay tallaabo weyn oo kor u qaadaysa gaadiidka biyaha ee deegaanka.




From the comments