Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sii xoojinaya hadallada uu ka dhan yahay Soomaalida iyo Congress-woman Ilhaan Cumar, isaga oo mar kale sheegay in “Maraykanku uusan u baahnayn dad Soomaaliyeed ee yimaadda una sheegaya wixii ay samayn lahaayeen.”
Trump, oo wareysi iyo khudbado siyaasadeed ku jiray, ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday Ilhaan Cumar, isagoo ku celceliyay eed ay horey u beenisay oo ahayd in ay dalka Mareykanka ku gashay “guurka walaalkeed .” Trump waxa uu intaasi ku daray in haddii arrintaasi run noqoto, “Ilhaan aanay sii ahaan karin xildhibaan, isla markaana la tarxiilin doono.”
Hadalka Trump ayaa si weyn uga careysiiyay Soomaalida Maraykanka ku nool iyo taageerayaasha Ilhaan Cumar, kuwaas oo ku tilmaamay hadallada madaxweynaha kuwo naceyb ku saleysan oo loogu talagalay in lagu kiciyo codbixiyeyaasha xagjirka ah.




From the comments