Venezuela oo dalalka ku mideysan ururka OPEC ugu baaqday inay garab istaagaan
Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, ayaa ku baaqay in Ururka Dalalka Soosaarka Saliidda ee OPEC uu garab istaago dalkiisa, isaga oo sheegay in uu wajahayo hanjabaado sii kordhaya oo sharci-darro ah oo uga imaanaya Mareykanka iyo Madaxweynaha dalkaas, Donald Trump.
Maduro oo qoraal u diray dalalka xubnaha ka ah OPEC, ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu isku dayayo in uu qabsado khayraadka batroolka Venezuela, kuwaas oo ah kan ugu badan dunida marka la eego kaydka aan la soo saarin.
Qoraalka oo uu baahiyay telefishinka dowladda Venezuela ee TeleSUR, ayaa Madaxweynaha ku yiri:
“Waxaan rajeynayaa in aan idinka helo dadaalkiina ugu wanaagsan si loo joojiyo gardarradan sii xoogeysaneysa, taas oo khatar weyn ku ah dheellitirka suuqyada tamarta caalamiga ah , ha ahaadeen dalalka soo saara, ha ahaadeen kuwa isticmaala.”
Maduro waxa uu OPEC iyo dalalka kale si rasmi ah ugu gudbiyay inay denbi tahay in la adeegsaday xoog ciidan oo lagu beegsanayo dhulka, shacabka iyo hay’adaha Venezuela, ayadoo xukuumadda Caracas ay muddo dheer ku eedeyneysay Mareykanka inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha dalkaas iyo in uu doonayo in uu furo waddo militari oo lagu beddelo xukunka.
In kasta oo Venezuela ay leedahay 303 bilyan oo foosto oo kaydka saliidda la xaqiijiyay, haddana dhaqaalaha dalkaasi si daran ayuu hoos ugu dhacay, iyadoo dhoofinta saliiddu ay sanadkii 2023 gaartay oo keliya $4.05 bilyan taas oo aad uga hooseysa dalalka kale ee saliidda ka ganacsada.
Cunaqabatayntii adag ee Mareykanku uu ku soo rogay dalkaas intii uu socday xukunkii Trump ee koowaad ayaa kaalin weyn ka ciyaartay hoos u dhacaas.
Venezuela ayaa ka mid ahayd aasaasayaashii OPEC sannadkii 1960, oo ay weheliyaan Iran, Ciraaq, Kuwait iyo Sacuudi Carabiya, muddadii ka dambeysayna, ururku waxa uu kaalin muuqata ku lahaa xakameynta sahayda saliidda iyo saameynta qiimaha caalamiga ah.
Baaqan cusub ee Maduro ayaa imaanaya iyadoo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Caracas iyo Washington ay mar kale kor u kacday, halka suuqyada tamarta caalamka ay ka jiraan walaacyo la xiriira saameyn kasta oo ku timaadda soo saaridda saliidda.
OPEC weli ma aysan bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan codsiga Venezuela, balse dhaq-dhaqaaqa Venezuela iyo Mareykanka ayaa ah arrintan ugu xasaasisan ee saamayn ku yeelan karta kara qiimaha saliidda iyo xasilloonida tamarta dunida.