Jarmalka oo Si Buuxda u Aqoonsaday Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guul muhiim ah oo ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliyeed, kaddib markii Dowladda Federaalka Jarmalka ay si rasmi ah u ansixisay in baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya lagu aqoonsado gudaha Jarmalka.
Aqoonsigan ayaa lagu faafiyay wargeyska rasmiga ah ee Dowladda Jarmalka (Bundesanzeiger) 1-da December 2025, wuxuuna meesha ka saaray xeerarkii hore ee Jarmalka oo kaliya ogolaanayay in baasaboorka diblomaasiga loo aqoonsado marka la ka tagayo dalkooda, balse aan loo isticmaalin gelitaanka ama deganaanshaha gudaha Jarmalka.
Go’aankan cusub ayaa ka dhigan:
In mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee wata baasaboorka diblomaasiga ay si buuxda ugu safri karaan una geli karaan Jarmalka iyaga oo baasaboorkaasi adeegsanaya.
In la casriyeeyay habkii hore oo xaddidayay isticmaalka baasaboorka diblomaasiga.
In uu kor u qaaday kalsoonida iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadani ay ka tarjumayso horumarka muuqda ee dowladda Soomaaliya ka samaynayso nidaamyada socdaalka, amniga dokumentiyada safarka, iyo dar-dargelinta adeegyada casriga ah.
Sidoo kale waxay u mahadcelisay Dowladda Federaalka Jarmalka iyo dhammaan hay’adaha wada shaqeeya, iyaga oo ku nuuxnuuxsaday in guushan ay qeyb ka tahay dadaalka lagu xoojinayo aqoonsiga baasaboorrada iyo nidaamyada socdaalka ee dalka.