U bood dhigaalka

Lebanon iyo Israa’iil oo markii ugu horreysay wada-hadal toos ah yeeshay 40 sano kadib

Lebanon iyo Israa’iil ayaa markii ugu horreysay muddo ku dhow afaratan sano yeeshay wada-hadal toos ah, kaddib markii wakiillo rayid ah oo ka kala socda labada dhinac ay ka qayb-galeen kulan uu guddoominayay Mareykanku oo lagu qabtay magaalada xeebta ah ee Naqoura, ee gudaha Lebanon.

Kulankan oo dhacay Arbacadii ayaa waxaa qayb ka ahaa guddiga kormeerka xabbad-joojinta, kaas oo markii hore diiradda saari jiray kaliya heshiiska xabbad-joojinta ee 2024 ee u dhexeeya Israa’iil iyo Hezbollah.

Haddaba, ka qayb-galka wada-hadallada ee wakiillada rayidka ah ayaa loo arkaa talaabo cusub oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha sii kordhaya ee xadka ku teedsan halka loo yaqaanno qadka buluugga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Lebanon Nawaf Salam, oo la hadlay saxaafadda Beirut, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay wada-hadallo ka baxsan arrimaha amniga, balse wuxuu caddeeyay in kulamadu aysan ahayn wada-hadal nabadeed, isla markaana hagaajinta xiriirka caadiga ahi uu ku xiranyahay geeddi-socod nabadeed oo ballaaran.

Salam wuxuu sheegay in wada-hadalladu si gaar ah ugu saabsanaayeen

1) Joojinta dagaalka

2) Soo deynta maxaabiista reer Lebanon ee weli lagu hayo xabsiyada Israa’iil

3) iyo Ka bixidda dhammaan ciidamada Israa’iil ee dhulka Lebanon

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Lebanon weli u hoggaansan tahay Hindisihii Nabadda Carabta ee 2002, kaas oo dalalka Carabta u horseedaya xiriir caadi ah oo ay la yeeshaan Israa’iil haddii ay gabi ahaanba ka baxdo dhulalka ay qabsatay 1967-dii.

Mareykanka ayaa si xoog leh uga shaqaynaya inuu caadiyeeyo xariirka maamulka Israa’iil iyo dalalka Islaamka, gaar ahaan kuwa Carabta, balse Lebanon iyo Suuriya oo ayaan la ogeyn sida ay talaabiib xariir ula yeelan karaan, iyadoo weli xoog ku haysata qeybo kamid ah dhulalkooda.