Howlgal gaar ah oo ay maanta fuliyeen kooxaha iska caabinta Falastiin ayaa ka dhacay magaalada Rafax ee koonfurta Qasa, kaas oo lagu dilay Yasser Abu Shabab oo ahaa hoggaamiyihii koox ay Israa’iil tababartay oo loo diyaariyay in gudaha Qasa ay kula dagaallamaan kooxaha wax iska caabinta Falastiin, sida ay xaqiijiyeen Al Jazeera iyo telefishinka Israa’iil ee Kanaal 14.
Wararka ay daabaceen labada warbaahinood ayaa sheegaya in Yasser Abu Shabab uu muddooyinkii dambe ka mid ahaa shaqsiyaadka ay Israa’iil ku tiirsaneyd si ay u sameyso koox gudaha Qasa uga shaqaysa danaheed militari , ayna isku daydo inay ka dhex abuurtay xoog hubeysan oo ka soo horjeeda ururrada iska caabinta.
Kooxaha wax iska caabinta Qasa ayaa sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsadxarun qarsoodi ah oo uu Abu Shabab ku sugnaa, iyagoo ku tilmaamay dilkiisa guul amni oo muhiim ah oo ka hortagaysa qorshayaal lagu wiiqayo awoodda wax iska caabinta gudaha Marinka Qasa.




From the comments