Khasaaro ka dhashay Mudaharaad ka dhacay Boorama
Mudaharaad ka dhacay magaalada Boorama xalay ilaa ayaa sababay in dad shacab ah ku dhaawacmaan, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah oo la hadlay warbaahinta.
Dadka mudaharaadayay ayaa ka soo horjeeday go’aanka ay xukuumadda Somaliland shalay ku fasaxday in magaalada Saylac lagu qabto bandhigga buugga Xeer Ciise, arrin horey loogu hakiyay dhowr maalmood ka hor.
Mudaharaadka ayaa si kedis ah u billowday kadib markii warka fasaxa bandhigga dib loo soo celiyay uu si degdeg ah ugu fiday magaalada.
Dadka mudaharaadayay ayaa muujinayay caro ay ka qabaan go’aankaas, iyagoo sheegay in uu sii hurinayo xiisadda ka taagan deegaanka Soolal oo ay ku wada nool yihiin labada beelood ee walaalaha ah.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in ciidamadu kordhiyeen sugidda ammaanka Boorama si looga hortago rabshado kale.
Taliyaha wuxuu uga digay shacabka in ay ka fogaadaan rabshadaha, isagoo tilmaamay in “munaasabad soconaysa laba saacadood oo ka dhacaysa Saylac aanay istaahilin in dad ku dhintaan ama khasaare dhaco.”