Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magaalada Washington ku martigeliyay labada hoggaamiye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) Félix Tshisekedi iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis nabadeed oo lagu joojinayo colaadda muddo tobanaan sano ka jirtay bariga Congo, isla markaana lagu furayo khayraadka macdanta muhiimka u ah shirkadaha Mareykanka.
Heshiiskan oo lagu saxiixay xarunta U.S. Institute of Peace oo maalmo ka hor loo bixiyay magaca cusub ee “Donald J. Trump Institute of Peace”ayaa noqonaya mid taariikhi ah maadaama uu ka dhashay dadaallo diblomaasiyadeed oo socday bilo badan, gaar ahaan kadib markii sanadkan hore ay Washington ku kala saxiixdeen heshiis hordhac ah wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal.
Colaadda bariga DRC oo muddo dheer socotay ayaa waxaa sii huriyay kooxda fallaagada ah ee M23, kuwaas oo dib u soo kacay dabayaaqadii 2021.




From the comments