U bood dhigaalka

Militariga dalka Baniin oo sheegay inay taladii dalka Afgembi kula wareegeen

Saraakiil ka tirsan milatariga dalka Benin ayaa goor dhow ku dhawaaqay inay afgambi ku rideen Madaxweynaha dalkaas Patrice Talon, kaddib markii ay si toos ah uga soo muuqdeen telefishinka dowladda oo ay ku akhriyeen bayaan kooban.

Saraakiisha afgambiga sameeyay ayaa sheegay in ay xukunka ka tuureen Madaxweynaha, oo talada dalka hayay tan iyo sanadkii 2016, iyagoo ku eedeeyay inuu dalka u jiheeyay maamul kelitalis ah iyo in hay’adaha dowladdu ay u shaqayn waayeen sidii loogu talagalay.

Bayaanka lagu baahiyay telefishinka ayaa lagu sheegay in ciidamada qalabka sida ay la wareegeen talada dalka, isla markaana ay xireen xarumo muhiim ah oo dowladeed, iyadoo amniga caasimadda Cotonou uu aad u adkaaday.

Ilo amni oo madax-bannaan weli si rasmi ah uma xaqiijin karin halka uu ku sugan yahay Madaxweyne Patrice Talon, balse warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in uu ka baxay qasriga madaxtooyada saacado ka hor intii aan afgambiga lagu dhawaaqin.

Dowladaha deriska, ururo caalami ah iyo Midowga Afrika ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka hadlaan xaaladda cusub ee ka dhalatay afgambigaasi, iyadoo Benin—oo muddooyinkii dambe loo tixgelin jiray dal xasilloon oo dimuqraadi ah—ay markale gashay xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Xaaladda gudaha magaalada Cotonou ayaa haatan kacsan, iyadoo ciidamo tiro badan lagu arkayo wadooyinka waaweyn, ayna jiraan warar sheegaya in dadka rayidka ahi lagu wargeliyay inay guryahooda ku nagaadaan ilaa amarrada xiga laga soo saaro.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii militariga dalka Gani bisow ay Afgembiyeen dowladdii rayidka ahayd, islamarkaana ay meesha ka saareen natiijada doorasho dhowaan ka dhacday dalka.