U bood dhigaalka

Colaadda Thailand iyo Cambodia oo mar kale dib u qaraxday

Thailand ayaa Duqeymo Cirka ah Ka Fulisay Xadka Cambodia, iyadoo Xiisadda u dhaxaysa labada dhinac ay mar kale dib u Qaraxday

Xiisad culus oo muddooyinkanba ka taagnayd xadka u dhexeeya Thailand iyo Cambodia ayaa dib u qaraxday, kadib markii ciidamada Thailand ay billaabeen duqeymo cirka ah oo ay ku beegsadeen saldhigyo ay sheegeen in ay leeyihiin ciidamada Cambodia.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii dowladda Thailand ay ku eedeeysay ciidamada deriskeeda in ay rasaas ku fureen gudaha dhulka Thai ah, taas oo sababtay dhimashada hal askari iyo dhaawaca kuwo kale.

Dowladda Cambodia ayaa si adag u cambaareysay duqeymaha, waxayna sheegtay in Thailand ay iyadu dagaalka billowday, islamarkaana ciidamada Cambodia aysan wax weerar ah samaynin.

Eedeymaha is-dhaafsan ee labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda dib u soo noqnoqotay ay isu beddesho dagaal ballaaran oo si weyn u saameeya nabadda gobolka.

Isku dhicii ugu dambeeyay ayaa sababay khasaaro rayidka soo gaaray, iyadoo wararka hordhaca ahi sheegayaan in dad shacab ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen duqeymaha.

Dhowaan ayay ahayd markii xabad joojin uu Mareykanka gar wadeen ka ahaa ay labada dhinac ku kala saxiixdeen dalka Malaysia, ka dib maalmo dagaal xuduud oo toosi ahi uu socday.