U bood dhigaalka

RSF oo lagu eedeeyay inay tacaddiyo u geysteen todobanaan Haween ah

Shabakadda Dhakhaatiirta Sudan ee SDN ayaa soo saartay cambaareyn culus oo ka dhan ah ciidamada RSF, kadib markii ay soo shaac baxday in ugu yaraan 19 haween ah la kufsaday intii ay ka soo barakacayeen magaalada El-Fasher ee gobolka Darfur.

Haweenkan la kufsaday ayaa gaaray magaalada Al-Dabba ee gobolka Waqooyi galbeed, halkaas oo xaaladahooda lagu diiwaangeliyay, iyadoo laba kamid ah ay lahaayeen uur leh.

Bayaan ay soo saareen dhakhaatiirtu ayaa lagu sheegay in kufsiga iyo tacaddiyada kale ee haweenka lagu hayo ay yihiin dambi dagaal iyo xadgudub baal marsan sharciyada caalamiga ah, isla markaana ay caddeyn u yihiin in RSF u adeegsaneyso tacaddiga haweenka hub dagaal iyo cadaadis siyaasadeed ah.

Shabakadda ayaa intaas ku dartay inay jiraan kiisaska aan laga sheekeyn oo ka badan kuwa la diiwaangeliyay, maadaama haween badani ay u arkaan ceeb inay dhacdada ka warbixiyaan.

Afhayeenka dhaqaatiirta, Mohammed Elsheikh, ayaa u sheegay warbaahinta in kufsiga ka dhacay El-Fasher uu aad uga ballaaran yahay inta la ogyahay, isagoo xaqiijiyay in sidoo kale la diiwaangeliyay 23 haween oo kale oo la kufsaday intii ay u soo barakacayeen degmada Tawila, kuwaas oo da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 23 sano jir.

Suudaan ayaa weli ku jirta colaad baahsan oo qaraxday bishii Abriil ee sanakii 2023, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa RSF.

Dagaalkaas ayaa sababay in tobanaan kun oo dhimasho ah iyo in ka badan 12 milyan oo barakacayaal ah, halka in ka badan 30 milyan ay u baahanyihiin gargaar bini’aadantinimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.