Elon Musk oo Ilhan Omar ku eedeeyay Khiyaano Qaran kadib hadal ay u jeedisay Jaaliyadda Soomaaliyeed
Elon Musk, madaxa shirkadaha Tesla iyo SpaceX, ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhan Omar, isagoo ku eedeeyay “khiyaano qaran ” kadib hadallo hore oo ay Ilhaan ku sheegtay in ay ilaalin doonto danaha Soomaaliya xilli ay ku hadlaysay kulan ay la yeelatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota sanadkii 2024.
Musk ayaa qoraal kooban ku daabacay bartiisa X, isagoo dib u faafiyay muuqaal hadalkaas laga duubay, wuxuuna ku yiri: “This sounds like treason” (“Waxay u egtahay khiyaano qaran”). Eeddaasi ayaa si degdeg ah u qabsatay baraha bulshada, iyadoo taageerayaal iyo mucaaradba ay aragtidooda ka dhiibteen.
Hadalladii Ilhan Omar ee laga soo qaaday kulan ay la qaadatay jaaliyadda Soomaaliyeed bishii Janaayo 2024 ayaa ahaa kuwo ay kaga hortagayso heshiiskii muranka dhaliyay ee u dhexeeyay Itoobiya iyo maamulka Somaliland, kaas oo ku saabsan dhisidda saldhig badeed oo Itoobiya ka sameysato xeebaha Somaliland.
Ilhaan ayaa markaas jaaliyadda u sheegtay in ay ka shaqeyn doonto in Maraykanku uusan taageerin tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo lagu tarjumay hadalkeeda:
“Dowladda Mareykanka waxa ay sameyn doontaa waxa aan ka codsanno. Waxaan nahay muwaadiniin, waxaan nahay canshuur-bixiyeyaal, mid ka mid ah gabdhihiinna waxa ay ku fadhidaa Kongareeska. Inta aan joogno Kongareeska, cidna kama qaadi doonto Soomaaliya baddaheeda, Mareykankuna ma taageeri doono cid aan naga ahayn.”
Minnesota oo ah goobta ugu badan ee ay ku nool yihiin Soomaalida Mareykanka ayaa si dhow ula socota arrimaha Soomaaliya iyo khilaafka Itoobiya–Somaliland, waxaana hadalka Ilhaan loogu fasirtay dhiirrigelin ay siinayso bulshada Soomaaliyeed ee cod-bixiyeyaasha ah.
Inkasta oo aysan si toos ah uga jawaabin Musk, Ilhan Omar ayaa hore u sheegtay in hadalkeeda laga baddalay macnaha guud, isla markaana uu ahaa mid ku saabsan ilaalinta siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka oo ah in aanu taageerin kala-go’ ka dhan ah Soomaaliya.