U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo $7 Milyan u Qoondeeyay Soomaaliya

Sheeko:War

Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ugu deeqday in ka badan $7 milyan oo gargaar cusub, si loo xoojiyo howlaha bani’aadantinimo loona dardargeliyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Tallaabadani waxay qayb ka tahay dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo xasilloonida iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Safiirka EU-da ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in deeqdan cusub ay si gaar ah u xoogga saaraysid:

Taageeridda ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed

Kor u qaadista nabadda iyo wada-noolaanshaha

Hagaajinta xaaladaha nololeed ee bulshada

Adkaynta ilaalinta xuquuqda aadanaha

La tacaalidda baahiyaha ka dhasha abaaraha daba-dheeraaday

Ku dhawaaqista deeqdan waxay ku soo beegantay kadib shirar dhowaan dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaal caalami ah, kuwaas oo isku raacay in la xoojiyo iskaashiga lagu caawinayo bulshooyinka sida gaarka ah u saameeyay abaarta iyo colaadaha.

Dowladda federaalka iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay qaadan doonaan hab isku-dhafan oo lagu yareynayo dhibaatada dadka haysata, isla markaana lagu dhisayo adkaysi mustaqbal oo waara, taas oo ka tarjumeysa istaraatiijiyadda EU-da ee horumar waara iyo maamul ku dhisan ilaalinta xuquuqda.