Mareykanka oo ku dhawaaqay go’aan ka dhan Muwaadiniinta Itoobiya ee ku sugan dalka Mareykanka
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la joojiyay Barnaamijka Magangalyada Ku-Meel-Gaarka ah (TPS) ee loo oggolaa muwaadiniinta Itoobiya ee ku nool dalka Mareykanka. Go’aankan waxaa shaacisay Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, waxaana maanta lagu daabacay diiwaanka rasmiga ah ee dowladda (Federal Register).
Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in kadib qiimeyn ay sameysay, ay ku qancday in xaaladda amni iyo tan bani’aadannimo ee Itoobiya ay hagaagtay, isla markaana aysan hadda buuxin shuruudihii lagu siin jiray TPS, oo horay loo dejiyay sababo la xiriiray dagaallo hubeysan iyo dhibaatooyin bani’aadannimo oo baahsan.
TPS-ka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay la bixiyay Diseembar 2022, waxaana ka faa’iideystay kumannaan muwaadiniin Itoobiyaan ah oo Mareykanka ku noolaa, kuwaas oo helay ilaalin ka dhan ah masaafurin iyo oggolaansho shaqo. Hase yeeshee, go’aankan cusub wuxuu dhigaya in dhammaan faa’iidooyinkaas ay si buuxda u dhammaanayaan 13-ka Febraayo 2026, kadib muddo kala-guur ah oo ah 60 maalmood.
Waxaa lagu qiyaasayaa in go’aankan uu saameynayo inta u dhaxeysa 4,500 ilaa 15,000 oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo intooda badan helay TPS intii lagu jiray kordhintii iyo dib-u-magacaabistii Abriil 2024. Maaddaama waqtigii codsiyada la xiray, isla markaana aan la bixin wax kordhin cusub ah, dadka ay arrintan quseyso waxaa horyaalla saddex doorasho:
In ay si iskood ah uga baxaan Mareykanka,
In ay raadsadaan nooc kale oo sharci deggenaansho ah sida magangelyo (asylum),
Ama in ay wajahaan dacwado masaafurin marka uu dhammaado waqtiga kala-guurka.
Dhanka kale, ururrada u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa muujiyay walaac xooggan, iyagoo ku dooday in rabshadaha iyo xasillooni-darrada ay weli ka socdaan gobollada Tigray, Amxaarada iyo Oromiya, ayna suuragal tahay in maxkamado loo gudbiyo dacwado ka dhan ah go’aankan. Si kastaba ha ahaatee, haddii aysan maxkamad faragelin, TPS-ka Itoobiya wuxuu si rasmi ah u dhammaanayaa laba bilood gudahood.