U bood dhigaalka

Faahfaahino dheeri ah oo laga helay toogashadii ka dhacay Australia

Sheeko:War

Sydney, Australia – Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, halka 11 kale oo ay ku jiraan laba askari oo booliis ah ay ku dhaawacmeen, kadib weerar toogasho ah oo Axaddii maanta ka dhacay xeebta Bondi ee magaalada Sydney, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Australia.

Muuqaal ay duubeen goobjoogayaal ayaa baraha bulshada ku baahay, kaas oo muujinaya nin rayid ah oo si geesinimo leh u qabtay dabley hubeysan, kana qaaday qorigii uu ku tooganayay dadka rayidka ah, inta uusan hubka ka dhigin. Muuqaalkaasi ayaa noqday mid si weyn u saameeyay dareenka dadweynaha.

Weerarka ayaa dhacay xilli ay socotay munaasabad loogu dabaaldegayay fasax diimeed Yuhuudda, taasoo lagu qabtay xeebta Bondi, oo ah meel dalxiis iyo isu-imaatinka dadweynaha caan ku ah.

Labo nin oo hubeysan ayaa rasaas ku furay dadkii ka qeybgalayay munaasabadda, iyadoo xaaladdu noqotay mid argagax leh.

Booliiska gobolka New South Wales ayaa sheegay in:

Mid ka mid ah dableyda la dilay

Midka kalena la qabtay, iyadoo xaaladdiisu tahay mid aad u liidata

29 qof loo qaaday isbitaallo Gudaha ah, kuwaas oo qaarkood xaaladdoodu halis tahay

Laba askari oo booliis ah ayaa ka mid ah dadka dhaawacmay

Shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxa Booliiska New South Wales, Chris Minns, ayaa lagu sheegay in xaaladda amniga hadda la xakameeyay, islamarkaana baaritaan ballaaran uu socdo si loo ogaado dhammaan faahfaahinta weerarka.

Australia ayaa bilihii u dambeeyay la kulmaysay weerarro nacayb ku saleysan oo lagu bartilmaameedsaday macbadyo, dhismayaal iyo gaadiid, tan iyo bilowgii dagaalka Israa’iil iyo Qasa bishii Oktoobar 2023. Saraakiisha ayaa sheegay in dhacdadan loo eegayo si taxaddar leh, maadaama ay la xiriiri karto jawiga xiisadda caalamiga ah.