U bood dhigaalka

Labo Askari oo Mareykan ah iyo Turjubaan Rayid ah oo lagu Dilay Weerar Daacish ka Fuliyay Suuriya

Sheeko:War

Labo askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo turjubaan rayid ah oo Mareykan ah ayaa lagu dilay dalka Suuriya, kaddib weerar gaadmo ah oo uu fuliyay nin hubeysan oo ka tirsanaa kooxda Daacish, sida uu xaqiijiyay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).

Bayaan kasoo baxay CENTCOM ayaa lagu sheegay in weerarkaasi sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex askari oo Mareykan ah, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo xarumo caafimaad. Intii uu weerarku socday, dableygii fuliyay falkaasi ayaa la dilay.

Wararka ka imanaya gudaha Suuriya ayaa intaas ku daraya in labo ka mid ah shaqaale Suuriyaan ah ay iyaguna ku dhaawacmeen weerarka, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin xaaladdooda caafimaad.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarkan si kulul uga hadlay, isagoo bartiisa baraha bulshada ku tilmaamay “weerar Daacish ah oo ka dhan ah Mareykanka iyo Suuriya,” wuxuuna ballan qaaday in Mareykanku qaadi doono tallaabo aargoosi ah oo aad u daran.

Dhanka kale, dowladda Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay weerarka, waxayna sheegtay in falalka noocan ah ay muujinayaan khatarta weli ka jirta argagixisada Daacish ee gobolka.

CENTCOM ayaa sidoo kale sheegtay in magacyada iyo aqoonsiga dadka la dilay aan la shaacin doonin muddo 24 saacadood ah, ilaa si rasmi ah loo wargeliyo qaraabadooda iyo eheladooda.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli Mareykanka iyo xulafadiisu ay weli wadaan hawlgallo ka dhan ah haraadiga kooxda Daacish ee ku sugan qaybo ka mid ah Suuriya.