Muqdisho, December 14,2025: Sanduuqa Qaranka ee Cimilada Soomaaliya (NCF) ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay tababarkii ugu horreeyay ee Maaliyadda Cimilada (Climate Finance) ee loo qabto Bangiyada Soomaaliyeed, (Somali Bankers Association).
Kulankaan aqoon-is-weydaarsiga ah ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka caalamiga ah ee maaliyadda cimilada, sanduuqyada waaweyn ee caalamiga ah (Vertical Funds), iyo fursadaha ay u heli karaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliyeed. Sidoo kale, kulanka ayaa u suurageliyay khubarada bangiyada Soomaaliyeed in ay soo bandhigaan waayo-aragnimadooda ku saabsan helitaanka maalgelinta cimilada iyo sida ay Bangiyadu ugu celin karaan maalgelintaas macaamiisha, si loo xoojiyo adkeysiga bulshooyinka.
“Bangiyada Soomaaliyeed waa laf-dhabarka dhaqaalaha dalka, isla markaana waa furaha hadda iyo mustaqbalka maalgelinta cimilada,” ayuu yiri Liiban Cabsiiye, Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaranka ee Cimilada Soomaaliya. “NCF waxaa ka go’an in uu hubiyo ka-qaybgal xooggan oo ay yeeshaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee dhismaha adkeysiga Qaranka.” Ayuu yiri Agaasime Liibaan.




From the comments