U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi oo si adag ugu jawaabay mucaaridka diidan doorashada qof & cod

Sheeko:War

Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadallo kulul u jeediyay xubnaha mucaaridka ah ee ka soo horjeeda doorashada qof iyo cod, isagoo si gaar ah u xusay Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo uu sheegay ina y hormuud u yihiin doorashada.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in labada Senator ay horey u qaateen kaadhadhka codaynta, taas oo muujinaysa in ay si buuxda uga mid ahaayeen nidaamka doorasho ee qof iyo Cod.

“Senator Muuse Suudi iyo Senator Cabdi Qaybdiid way qaateen kaadhadhka codaynta. Haddana waxaa diidaya wiilal wata baasaboorro shisheeye. Adeer, dalkan waxba kama garanaysaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay nidaamka doorasho dadban, isagoo ku tilmaamay mid hoos u dhigay karaamada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

“Doorashada dadban waa dullinimada ugu weyn ee qarnigan. Qof kula mid ah baan u sujuudaysaa,” ayuu hadalkiisa ku sii adkeeyay Wasiir Fiqi, taas oo muujinaysa sida uu uga go’an yahay in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay muran siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan hannaanka doorasho ee dalka, iyadoo mucaaridku ay shaki ka muujinayaan diyaar-garowga doorashada tooska ah, halka Xukuumaddu ay ku adkeysanayso in ay tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo matalaad dhab ah oo shacab.

Khilaafka doorashada ayaa weli ah mid furan, waxaana la filayaa in hadalladan Wasiir Fiqi ay sii kululeeyaan doodda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda iyo mucaaridka.