Jilaa caan ah oo Hollywoodka Mareykanka ka tirsan oo xaaskiisa oo meydadkooda laga helay gurigooda
Jilaaga caanka ah ee Hollywood-ka, Rob Reiner, iyo xaaskiisa Michele Reiner ayaa lagu helay iyagoo meyd ah gurigooda ku yaalla magaalada Los Angeles, sida ay weriyeen warbaahinta Mareykanku.
Booliska Los Angeles ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay baarayaan geerida laba qof, taas oo loo maleynayo inay tahay dil qorsheysan, ayadoo Ciidanka dab-damiska ee Los Angeles ay xaqiijiyeen in ay ka jawaabeen codsi gargaar caafimaad wax yar kadib 3:30 galabnimo ay ku ogaadeen nin 78 jir ah iyo haweeney 68 jir ah oo meyd ah.
Warbaahinta Mareykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsatay labada qof inay yihiin Rob Reiner, oo ah agaasime iyo jilaa caan ah, iyo xaaskiisa Michele Reiner.
Ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah oo la hadlay wakaaladda wararka AP, balse codsaday inaan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in labada marxuum lagu arkay dhaawacyo mindi, isla markaana xubin ka tirsan qoyska lala xiriirinayo dhacdada, su’aalo ayaana la weydiinayaa.
Rob Reiner oo bishii Maarso sanadkan 78 jirsaday, ayaa ahaa mid ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu magaca weyn Hollywood-ka, isagoo agaasimay filimaan caan ah sida When Harry Met Sally, This Is Spinal Tap, The Princess Bride iyo Stand by Me, asagoo sidoo kale caan ku ahaa doorkiisii taxanaha telefishinka ee All in the Family intii lagu jiray 1970-meeyadii.
Marka laga soo tago shaqadiisa fanka, Reiner wuxuu ahaa u ololeeye siyaasadeed, kana mid ahaa dadka si furan u taageeri jiray xisbiga Dimuqraadiga, wuxuuna ka soo muuqday xayeysiinno siyaasadeed oo ka dhan ahaa madaxweynihii hore George W Bush sanadkii 2004, asagoo taageeray musharraxiin ay ka mid yihiin John Kerry, Al Gore iyo Hillary Clinton.
Duqa magaalada Los Angeles, Karen Bass, ayaa tacsi u dirtay qoyska Reiner, iyadoo sheegtay in waxqabadkii Rob Reiner uu saameyn qoto dheer ku yeeshay dhaqanka iyo bulshada Mareykanka, isla markaana uu nolosha dad badan ku wanaajiyay hal-abuurkiisa iyo u doodistiisa caddaaladda bulsho iyo dhaqaale.
Rob Reiner iyo Michele Reiner ayaa is guursaday sanadkii 1989, waxayna wada dhaleen saddex carruur ah,baaritaanka dhacdadan ayaana weli socda, iyadoo mas’uuliyiintu ballanqaadeen in faahfaahin dheeraad ah la shaacin doono marka baaritaanku horumar sameeyo.