Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ku eedaysay ICE cunsuriyad kadib markii ay qabteen wiil ay dhashay
Xildhibaanadda laga doorto Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, Ilhaan Cumar, ayaa sheegtay in ciidamada la dagaallama soo-galootiga ee ICE ay si ku-meel-gaar ah u qabteen wiil ay dhashay, iyaga oo doonayay in loo tarxiilo dalka Soomaaliya, ka hor inta uusan muujin dukumentiyada muwaadinnimada Maraykanka.
Ilhaan Cumar ayaa tilmaantay in wiilkeedu ku dhashay gudaha Maraykanka, isla markaana yahay muwaadin sharciyeysan, balse ay xaaladdu halis noqon lahayd haddii uusan xilligaas wadan warqadihiisa sharciga ah.
Waxay sheegtay in tani ay muujinayso cabsi weyn oo ka jirta sida ay ciidamada ICE ula dhaqmaan dadka laga tirada badan yahay, gaar ahaan Soomaalida.
Xildhibaanaddu waxay ku eedaysay ciidamada ICE inay ku dhaqmaan cunsuriyad iyo beegsi gaar ah oo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in xitaa dadka haysta sharciga ama ku dhashay Maraykanka aysan ka badbaadin qabqabasho iyo su’aalo joogto ah oo la xiriira aqoonsigooda.
Dhankeeda, ICE ayaa wada howlgallo ay ku qabqabayaan dad ay ku tilmaameen inay si sharci-darro ah ugu nool yihiin Maraykanka, gaar ahaan kuwa ku sugan Gobolka Minnesota.
Ciidanku waxay sheegeen in howlgalladaas lagu xiray dad aan haysan sharci sax ah iyo kuwo kale oo lagu eedeeyay dambiyo culus, sida lagu baahiyay bogaggooda rasmiga ah.
Arrintan ayaa dhalisay dood iyo walaac xooggan oo ka dhex aloosan jaaliyadaha soo-galootiga, gaar ahaan Soomaalida ku nool Maraykanka, kuwaas oo ka cabanaya in si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, islamarkaana ay dareemayaan cabsi joogto ah oo la xiriirta amniga iyo xuquuqdooda muwaadinimo.