Madasha Samatabixinta oo shaacisay waxyaabaha looga hadli doono Shirka Kismaayo
Qaar ka mid ah mucaaradka ku mideysan Madasha Samatabixinta ayaa xalay kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay si kulul ugu cambaareeyeen dowladda Federaalka.
Madaxda mucaaradka ayaa muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan jihada ay wax u socdaan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, maamulka Siyaasadda, iyo hannaan la’aanta wadatashiga qaran.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in madaxda Madasha Samatabixinta ay isku afgarteen in talada dalka la balaariyo isla markaana la qabto shir qaran oo ay isugu yimaadaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kaas oo qorshihiisu yahay inuu ka dhaco magaalada Kismaayo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aannada masiiriga ah aan lagu dhaqaaqin iyada oo aan la isla gorfeyn lagana wada tashan, isaga oo tilmaamay in talaabo kasta oo kaligeed ah ay horseedi karto khilaaf cusub. Wuxuu xusay in dowladda Federaalka ay dhagaha ka fureysatay talooyinkii iyo baaqyadii wadatashiga, taasina ay adkaysay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro arrimaha siyaasadda dalka.
“Talo aan leysla gorfeyn oo aan leysla qaadan in lagu dhaqaaqo ma haboona, waxa ay keeneysaa khilaaf cusub. Dowladda ayaa joojisay wadahadalladii, taasina waxay nagu qasabtay in aan iraahdo ‘Soomaali isu doon’,” ayuu yiri Madaxweyne hore Shariif.
Kulanka ayaa si qoto dheer looga hadlay ajandayaasha la filayo in looga doodo Shirka Kismaayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Balaadhinta talada iyo wadaagga awoodda siyaasadeed
Hannaanka doorasho ee lagu kalsoonaan karo
Xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada
Midnimada dalka iyo ka hortagga khilaafaadka siyaasadeed
Doorka bulshada rayidka ah iyo saamileyda kale ee qaranka
Madasha Samatabixinta ayaa ku celisay baaqeeda ah in la helo shir qaran oo loo dhan yahay, si xal waara loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, loogana fogaado kala qaybsanaan hor leh. Shirkan Kismaayo ayaa la filayaa inuu noqdo mid si weyn isha loogu hayo, maadaama uu imaanayo xilli siyaasadda Soomaaliya ay wajahayo hubanti la’aan iyo is-maandhaaf sii xoogeysanaya.