Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden, Mudane Benjamin Dousa, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, horumarinta, iyo kobcinta karaanka hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii Wasiirka Sweden iyo wafdi uu hoggaaminayo ay soo gaareen magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka bilaabeen kulamo kala duwan oo ay la leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.




From the comments