Mareykanka oo shaaciyay ujeedada uu ka leeyahay duqeynta doomaha ka yimaada Latin Ameerika
Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad ee Maraykanka, Susie Wiles, ayaa sheegtay in weerarrada militari ee ay Maraykanku ka wado doomaha lagu eedeeyo ka ganacsiga daroogada ee ku sugan gobolka Latin America ay leeyihiin ujeeddo ka ballaaran tan rasmiga ah ee lagu sheegay la-dagaallanka daroogada, isla markaana ay ku wajahan yihiin in ugu dambayn la wiiqo ama xilka looga tuuro Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro.
Hadalkan ayaa lagu daabacay wargeyska Vanity Fair Talaadadii, kaas oo u muuqda inuu ka hor imaanayo mowqifka rasmiga ah ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, oo horey u sheegay in weerarradaasi ay ku kooban yihiin dagaal ka dhan ah ka ganacsiga daroogada iyo kooxaha tahriibiya.
Susie Wiles ayaa laga soo xigtay hadal ay ku sheegtay in Madaxweyne Trump uu doonayo in uu sii wado burburinta doomaha ilaa uu Maduro ka quusto, iyadoo intaas ku dartay in falanqeeyayaal khibrad lehi ay rumeysan yihiin in istaraatiijiyaddaasi ay shaqayn karto.
Hadalkan ayaa yimid saacado kaddib markii Wasaaradda Difaaca Maraykanka (Pentagon) ay shaacisay in saddex weerar oo kale lagu qaaday doomo ku sugnaa Badweynta Baasifigga ee Bariga, kuwaas oo la sheegay inay ku dhinteen siddeed qof.
.