Bangiga Horumarinta Afrika oo $23 Milyan ku Maalgelinaya Balaadhinta Korontada Boosaaso
Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ku dhawaaqay maalgelin dhan $23 milyan oo doollar, taas oo lagu ballaarinayo lana casriyeynayo adeegga korontada ee magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay bangiga.
Bangigu wuxuu sheegay in mashruucan looga golleeyahay in bulshada Boosaaso ay helaan koronto nadiif ah, qiime-jaban oo la isku hallayn karo, taas oo fududeyn doonta kobaca ganacsiga, shaqo abuurka, iyo horumarka guud ee magaalada.
Boosaaso ayaa ah magaalo istiraatiiji ah oo leh deked ka mid ah kuwa ugu muhiimsan Soomaaliya, taas oo si weyn ugu adeegta ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah.
Maalgelintan ayaa imaanaysa xilli ay bulshada Boosaaso la daalaa-dhacayso koronto qaali ah oo aan mararka qaar la isku hallayn karin, iyadoo magaaladu muddo dheer ahayd xarunta ganacsi ee ugu weyn woqooyiga dalka, isla markaana loo arko iridda ugu muhiimsan ee badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa ka dhoofa.
Mas’uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in mashruucani uu gacan ka geysan doono yareynta kharashaadka tamarta, kor u qaadista isticmaalka tamarta nadiifta ah, iyo dhiirrigelinta maalgashiga gaarka loo leeyahay.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in uu si toos ah uga faa’iideysto ganacsatada, warshadaha yaryar, iyo adeegyada bulshada sida isbitaallada iyo dugsiyada.
Dadka ku nool Boosaaso ayaa soo dhoweeyay qorshahan, iyagoo rajo ka muujiyay in uu wax ka tari doono caqabadaha dhanka korontada, islamarkaana uu sare u qaadi doono fursadaha dhaqaale ee magaalada oo muddo dheer ahayd laf-dhabarta ganacsiga Soomaaliya.