Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo xalay laga sameeyay caasimadda, kuwaas oo lagu qaaday dhagxaantii yaallay wadooyinka, isla markaana saameyn ku lahaa isu socodka gaadiidka iyo amniga guud.
Taliyaha ayaa sheegay in goobaha dhagxaanta laga qaaday ay ka mid yihiin Shaneemo Nasri, Tarabuunka iyo Masaarida, isagoo xusay in tallaabadan lagu fuliyay amar ka soo baxay Madaxda Qaranka, kadib cabashooyin ay muujiyeen shacabka ku nool Muqdisho.
“Goobaha ay ka mid yihiin Shaneemo Nasri, Tarabuunka iyo Masaarida ayaan ka qaadnay dhagxaantii yaallay, annagoo fulinayna amarka Madaxda Qaranka. Amniga caasimadda waa muhiim, cabashada shacabka in la tixgeliyana waa midda aan u taaganahay,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.




From the comments