DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay Shirka Kismaayo uga socda Mucaaradka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay shirka ay magaalada Kismaayo ku leeyihiin xubno ka tirsan mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ka qayb galayay munaasabadda Maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay.
Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay wada-hadal, balse loo baahan yahay in dhinacyada ku shirsan Kismaayo ay la yimaadaan go’aan cad oo la fahmi karo.
“Walaalaha Kismaanyo ku shirsan waxaan leeyahay go’aan soo gaara oo wax la fahmi karo la imaada, waan idinkala doodeynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo tilmaamay in doodda iyo wada-hadalku ay yihiin dariiqyada kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dalka uu marayo marxalad xasaasi ah oo u baahan midnimo, wada-tashi iyo in la ilaaliyo dastuurka iyo hay’adaha dowladda.
Wuxuu sheegay in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed uu yahay arrin caadi ah, balse aan la aqbali karin in khilaafkaasi uu carqaladeeyo amniga, dowladnimada iyo horumarka guud ee dalka.
Shirkaas ayaa horey u dhaliyay hadal-heyn siyaasadeed iyo walaac la xiriira saamaynta uu ku yeelan karo midnimada iyo wada-shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.