U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Codsaday in shaqada laga eryo Maamulka SODMA ka dib Eedeymo Xatooyo iyo Musuq ah

Sheeko:War

​MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa maanta jawi kacsan ku soo dhammaaday fadhigii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ka dib markii xildhibaannadu ay weerar afka ah oo aan horay loo arag ku qaadeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA).

Xildhibaannada ayaa maamulka sare ee hay’addaas ku eedeeyay xatooyo hantidii loogu talagalay dadka danyarta ah iyo fashil dhanka gudashada waajibaadkooda ah.


​Senator Duniya Maxamed Cali ayaa si cad u sheegtay in SODMA ay tahay goob musuqmaasuqu saldhigtay, iyadoo tusaale u soo qaadatay in kaalmooyinkii dadka loogu talagalay loo adeegsado qaabab aan munaasib ahayn.

“SODMA musuqmaasuq ayay ka shaqeysaa, wax lagu aamini karo majiro,” ayay tiri Senator Duniya.

Waxay sidoo kale ku eedaysay madaxa hay’adda inuu waqtigiisa ku bixiyo safarro dibadda ah, halka gargaarkii dalka gudihiisa looga baahnaa uu noqday mid “buskud dhiiqo ah” lagu qaadayo diyaarado.


​Xildhibaannada ayaa isku raacay in maamulkan uu fashilmay, waxayna si adag ugu baaqeen in shaqada laga eryo madaxda SODMA. Waxay ku doodeen in xilli dalku uu wajahayo abaar iyo dhibaatooyin bini’aadanimo, aysan macquul ahayn in miisaaniyad loogu daro hay’ad lagu eedaynayo xatooyo iyo maamul-xumo.


​Xildhibaan Saynab Caamir iyo Xildhibaan Gobsan ayaa si wadajir ah u cambaareeyay dalabka miisaaniyad kordhinta ee SODMA, iyagoo xusay in ciidankii dalka difaacayay ay baahi u dhimanayaan.

​Doodda maanta waxay muujisay in kalsoonidii ay xildhibaannadu ku qabeen hay’adda SODMA ay gabi ahaanba duntay.

Baaqan ah in shaqada laga eryo maamulka fashilmay ee lagu eedeeyay xatooyada, ayaa cadaadis weyn ku saaraya dowladda federaalka inay tallaabo degdeg ah ka qaaddo hoggaanka hay’addaas, si loo badbaadiyo hantida qaranka iyo xuquuqda dadka danyarta ah.