Madaxweyne Xasan Sheekh” Soomaaliya waxay u gudubtay weji cusub oo horumar iyo iskaashi caalami ah.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanaya siiyay barnaamijka Leaders Talk ee ka baxa telefishinka CGTN, isagoo kaga hadlay qorshaha dib-u-dhiska dalka iyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya dalka Shiinaha.
Wareysigan oo uu la yeeshay wariye Li Peichun, Madaxweynuhu wuxuu diiradda saaray qodobadan soo socda:
1. Dib-u-dhiska iyo Nabadda:
Madaxweynaha ayaa sharaxaad ka bixiyay sida Soomaaliya ay uga soo kabanayso tobanaan sano oo colaado ah, isagoo xusay in dalku hadda ku jiro weji cusub oo horumar iyo xasilooni ah.
Wuxuu tilmaamay in mudnaanta koowaad ay tahay sugidda amniga iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah si adeeg hufan loogu fidiyo shacabka.
2. Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha:
Xasan Sheekh ayaa ammaanay taageerada joogtada ah ee dowladda Shiinaha ay siiso Soomaaliya tan iyo markii dalku xornimada qaatay.
Wuxuu ku sifeeyay Shiinaha saaxiib weyn oo Soomaaliya ka caawiyay mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, iyo waxbarashada ah.
3. Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC):
Madaxweynaha ayaa xusay in iskaashiga Shiinaha iyo Afrika uu fursado cusub u furayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, maalgashiga, iyo tignoolajiyada.
Wuxuu rajo ka muujiyay in iskaashigan uu door weyn ka qaadan doono dhisidda Soomaaliya oo barwaaqo ah iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka.
4. Fursadaha Horumarka:
Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay maalgashadayaasha Shiinaha inay yimaadaan Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dalku leeyahay kheyraad dabiici ah iyo goob istiraatiijiyadeed oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.