Trump oo Shaqada ka Saaray 30 Danjire oo ay ku Jiraan Safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaqada ka saaray ku dhawaad 30 danjire iyo diblumaasiyiin sare, kuwaas oo intooda badan ka howlgalayay qaaradda Afrika, iyadoo uu ka mid yahay Safiirkii Mareykanka u joogay Soomaaliya, Amb. Richard.
Go’aankan ayaa la xiriira siyaasadda uu Trump ku magacaabay “America First” (Mudnaanta Ameerika), taas oo uu ku sheegay in ay diiradda saarayso danaha gudaha Mareykanka, dhimista kharashaadka dibadda, iyo dib-u-habeyn lagu sameynayo qaab-dhismeedka diblumaasiyadda dalka.
Ilo wareedyo ku dhow Aqalka Cad ayaa sheegay in xil-ka-qaadistan ay tahay tallaabo ka mid ah isbeddello ballaaran oo lagu sameynayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si loo waafajiyo siyaasadda cusub ee maamulka Trump.
Ilo kale ayaa tilmaamay in danjireyaasha la beddelay ay ahaayeen kuwo la magacaabay xilliyadii maamulladii hore.
Xil ka qaadista Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa imanaysa xilli ay labada dal wada shaqeyn dhow ka lahaayeen arrimaha amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya. Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin cida beddeli doonta, haddana waxaa la filayaa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay magacaabto ku-simaha safiirka inta laga soo magacaabayo safiir cusub.
Tallaabadan ayaa dhalisay falcelin kala duwan, iyadoo qaar ka mid ah khubarada siyaasadda ay ku tilmaameen mid saameyn karta xiriirka Mareykanka iyo dalalka Afrika, halka kuwo kalena ay u arkaan isbeddel caadi ah oo la socda siyaasadda cusub ee maamulka Trump.