Degdeg: Diyaarad sidday taliyaha guud ee ciidanka Liibiya oo lagu la’yahay gudaha Turkiga
Xukuumadda Turkiga ayaa shaacisay in xiriirkii raadiyaha laga waayay diyaarad siday Taliyaha Guud ee Ciidanka Libya, Jenaraal Mohammed Ali Ahmed al-Haddad, xilli ay ku sii jeedday magaalada Tripoli, kadib markii ay ka kacday caasimadda Ankara fiidnimadii Talaadada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradda nooca Falcon 50 ay duushay saacadda 8:10 fiidnimo (waqtiga maxalliga ah), balse xiriirkii raadiyaha laga waayay 8:52 fiidnimo, iyadoo ku sugneyd hawada degmada Haymana ee gobolka Ankara.
Diyaaradda ayaa siday shan qof, oo uu ku jiro taliyaha ciidamada Libya,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Ali Yerlikaya, ayaana bartiisa X ku sheegay in diyaaradda ay codsatay degitaan degdeg ah (emergency landing), balse wixii intaas ka dambeeyay aan wax xiriir ah lala yeelan karin.
Illaa hadda lama xaqiijin in diyaaraddu burburtay iyo in kale, balse
Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay muuqaallo muujinaya iftiin xooggan oo laga arkay goobtii lagu waayay xiriirka diyaaradda, taas oo sii kordhisay walaaca ku saabsan xaaladda rakaabka saarnaa.
Sidoo kale, xogta la socodka duulimaadyada ayaa muujisay in duulimaadyo kale laga leexiyay garoonka diyaaradaha Esenboga ee Ankara, ayadoo
Wasaaradda Difaaca Turkiga ay horay u shaacisay in Taliyaha Ciidanka Libya uu booqasho rasmi ah ku joogay Ankara toddobaadkan, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa Turkiga iyo saraakiil sare oo milatari, si ay uga wada hadlaan iskaashiga amni iyo mid milatari.
Ilaa iyo hadda, wax war ah kama soo bixin dhinaca dowladda Libya oo ku saabsan dhacdadan, halka hay’adaha ammaanka iyo gurmadka Turkiga ay wadaan baaritaanno iyo dadaallo lagu ogaanayo halka ay diyaaraddu ku dambeysay iyo xaaladda dadka saarnaa.