U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka  jawaabay baaqii Kismaayo

​Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay baaqii ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhowaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gogosha wadahadalka ee dowladda federaalku ay tahay mid had iyo jeer u furan dhinac kasta, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda ay dhowaan soo saari doonto jawaab cad oo ku aaddan qodobbadii ka soo baxay shirkii Kismaayo.

​Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qaadato wax kasta oo wanaagsan oo ku jira baaqaas, taas oo muujinaysa rabitaanka Villa Somalia ee ku aaddan qaboojinta xiisadda siyaasadeed iyo raadinta isfaham guud oo laga gaaro masiirka dalka.

Hadalkan madaxweynaha ayaa yimid xilli ay jireen baaqyo is-daba-joog ah oo ku aaddan in la ballaariyo wadatashiyada heer qaran iyo in xal nabadeed lagu dhammeeyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaarkood.