Taliska Ciidanka Booliska gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku dhigay eedaysane lagu magacaabo D/le Xuseen Idoow Cabdullaahi, ka dib markii uu falal khal-khal-galin amni ah ka sameeyay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliska, eedaysanaha ayaa rasaas ku dhex furay dad shacab ah oo ku sugnaa goob fagaare ah, taas oo abuurtay cabsi iyo qalqal xooggan.
Ciidanka amniga oo markiiba goobta soo gaaray ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan askarigan, iyadoo hadda lagu hayo saldhigga degmada Dharkenley si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo.




From the comments