Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa khudbad uu u jeediyay shacabka Soomaaliyeed kaga hadlay muhiimadda taariikhiga ah ee doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay tallaabo horumarineed oo muddo dheer la sugayay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashadani ay astaan u tahay riyo qaran oo rumoobaysa, isla markaana ay gogol xaar u tahay hirgelinta doorashooyin dastuur ah oo ay si toos ah xaq ugu leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay muujinayso bislaanshaha geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.



From the comments