Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka Muqdisho ugu Baaqay inay Codkooda Dhiibtaan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaq xasaasi ah u diray shacabka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho, isagoo ku booriyay inay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka berri.
Baaqa Madaxweynaha
Madaxweynaha oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay in muwaadinku isticmaalo xuquuqdiisa dastuuriga ah, ayaa sheegay in doorashadu tahay “fursad dahabi ah” oo ay tahay in looga faa’iideysto si wanaagsan.
”Waxaan ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda Muqdisho, in ay si wanaagsan ugu faa’iideystaan fursaddan dahabiga ah, ayna codkooda ku muujiyaan rabitaankooda siyaasadeed si xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Laamaha amniga ayaa kor u qaaday feejignaanta si loo ilaaliyo badqabka codbixiyayaasha. ku dhawaad 10 kun oo Askari ayaa ka qeyb qaadan doonnaa sugitaanka Amniga Doorashooyinka.