U bood dhigaalka

Sidee looga falceliyay geerida Taliyihii ciidanka Liibiya

Geerida ku timid Taliyaha Guud ee Ciidanka Liibiya, General Mohamed Ali Ahmed Al-Haddad, oo ku dhintay shil diyaaradeed xilli uu ka soo laabanayay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Turkiga, ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo isugu jirta murugo, tacsi iyo hadallo ammaan ah oo ka yimid gudaha Liibiya iyo caalamkaba.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Liibiya ee caalamku aqoonsan yahay, Cabdulxamiid Dbeibah, ayaa geerida taliyaha ku tilmaamay khasaaro qaran oo aad u weyn, isaga oo sheegay in General Al-Haddad uu ahaa tiir muhiim u ah hay’adda militariga iyo dadaallada lagu doonayo xasillinta dalka.

Dbeibah ayaa xusay in taliyuhu kaalin muuqata ka qaatay dib-u-habeynta iyo mideynta ciidamada, isla markaana uu ahaa hoggaamiye u taagan danta qaranka.

Golaha Madaxtooyada Liibiya, saraakiisha sare ee ciidanka, iyo hay’adaha amniga ayaa iyaguna soo saaray bayaanno tacsi ah, iyaga oo ku ammaanay General Al-Haddad kaalintii difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada hay’adaha militariga, waxaana sidoo kale la shaaciyay in calanka qaranka hoos loo dhigay, isla markaana maalmo baroordiiq ah loo asteeyay xusuustiisa.

Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Liibiya ayaa muujiyay welwel ku aaddan saameynta geeridiisa ku yeelan karto hoggaanka ciidanka, iyaga oo ku baaqay in la ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida hay’adaha amniga, si looga hortago firaaq hoggaamineed.

Turkiga ayaa si rasmi ah uga tacsiyeeyay geerida General Al-Haddad iyo saraakiishii kale ee la socday, iyadoo mas’uuliyiin Turki ahi ay sheegeen in ay si dhow ula shaqeynayaan Liibiya baaritaanka shilka.

Qaar ka mid ah dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa sidoo kale diray farriimo tacsi ah, iyaga oo ku ammaanay doorka taliyaha ee iskaashiga amni iyo nabad-ilaalinta.

Bulshada Liibiya, gaar ahaan baraha bulshada, ayaa si weyn uga falcelisay geerida taliyaha, iyadoo dad badan ay  wadaageen tacsi, xusuus-qor iyo sawirro muujinaya kaalintii uu ku lahaa militariga. Qaar ka mid ah muwaadiniinta ayaa ku tilmaamay General Al-Haddad hoggaamiye ad-adag balse u taagan kala dambeyn iyo qaranimo.

geerida General Mohamed Ali Ahmed Al-Haddad ayaa noqotay dhacdo si weyn u gilgishay Liibiya, iyadoo falcelinta ka dhalatay ay muujisay miisaanka iyo saameynta uu ku lahaa hay’adda militariga iyo nolosha siyaasadeed ee dalka.

Taliyahan oo xilal kala duwan ka soo qabtay ciidamada Liibiya, ayaa kaalin weyn ku lahaa dib u dhiska ciidamada qalabka sida, xasillinta dalka, iyo wada-shaqaynta amni ee gobolka iyo caalamkaba.