Madasha Samatabbixinta Soomaaliyeed waxay si cad oo aan leex-leexad lahayn u diidday tallaabada ay dowladda Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo tilmaantay in ficilkaas uu yahay meel ka dhac weyn oo lagu sameeyay madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.
Madashu waxay xustay in tallaabadani ay xad-gudub bareer ah ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika, iyadoo ka digtay in ay khatar ku tahay nabadgelyada iyo xasiloonida guud ee Geeska Afrika.
Sida ku cad war-saxaafadeedka, madax-bannaanida iyo xuduudaha Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay waa kuwo aan gorgortan geli karin, qorshe kasta oo wax u dhimaya midnimadaasna wuxuu kordhinayaa kala qaybsanaanta.




From the comments