Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Cambodia ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo Sabti ah ku dhowaaqday in heshiis rasmi ah oo xabbad-joojin ah ay kala saxiixdeen iyaga iyo dalka dariska la ah ee Thailand.
Heshiiskan ayaa soo afjaraya mid ka mid ah iska horimaadyadii ugu dhiigga badnaa ee labada dal dhex mara muddo tobanaan sano ah, kaas oo bishan December ka qaraxay aagga xuduudka ee lagu muransan yahay.
Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters, wada-hadallo socday saddex maalmood oo ka dhacay bar-kontorool oo ku taal xadka ayaa dhalay in labada ciidan lagu amro inay joojiyaan rasaasta, dibna ay ugu laabtaan fariisimahoodii hore.




From the comments